Kulankan ayaa ahaa kulan adag oo si wayn loo sugayay isla markaana laga dhur sugayay qaabka ay labda xul qaran iskala hor iman doonaan. Xulka qaranka France ayaa markiiba weerar ku bilaabay difaaca Germany waxaana fursadii ugu horaysay ee ciyaarta goolka furitaanka France ku dhalin gaadhay Griezmann kaas oo helay fursad aad u fiican laakiin goolhaye Manuel Nueur ayaa darbadiisa dirqi iskaga saaray.
Laakiin Germany ayaa markiiba ka falceliyay halista goolkooda soo gaadhay waxaana laba fursadood oo deg deg ah helay Muller iyo Emire Can. Marka hore daqiiqadii 13 aad Muller ayaa fursad fiican ka helay difaaca France wuxuuna kubbad ku dhex helay xerada ganaaxa basle darbadiisa ayaa banaanka martay. Halka daqiiqadii 14 uu Emre Can si toos ah uu u toogtay goolka France balse markan Hugo Lloris ayaa sameeyay badbaadin fiican.
Germany ayaa si buuxda ciyaarta gacanta ugu qaybtay waxayna bilaabeen in ay weeraro joogta ah ku qaadaan isla markaana waxay difaaca ku soo ururiyeen ciyaartoyda France. Xulka qaranka marti galinaya Euro 2016 ee France ayaa culays badan kala kulmay weerarka Germany laakiin waxaa dhibaato ku noqotay in ay fursadahooda goolal u badalaan.
France ayaa heshay fursad dahabi ah oo aan la qiyaasi karin daqiiqadii 42-aad laakiin waxaa sida ugu xun u qasaariyay Olivier Giroud kaas oo kubbad madax ah ku soo dhaafsaday difaaca Germany ee Boateng wuxuuna helay kubbad uu hal-ka-hal ugula soo baxay goolka Germany Boateng wuxuuna Giroud haystay laba fursadood oo kala ah in uu darbo goolka ah sameeyo iyo in uu saaxiibkiisa dhinaca midig uga boos qaatay oo banaan joogay uu kubbada u dhiibto laakiin Benedikt Howedes ayaa sameeyay daboolis muhiim ah wuxuuna sidaa ku dilay fursad halis ahayd.
GERMANY 0 – 1 FRANCE:
Xulka qaranka France ayaa ugu danbayn hogaanka ciyaarta la wareegay kadib markii uu Antoine Griezmann uu udhaliyay goolka furitaanka oo ahaa gool rekoodhe ah, wuxuuna jahada qaldan u diray Manuel Nueur. Ciyaarta ayaa noqotay 1:0 ay martigaliyaasha Euro 2016 ee France ay hogaanka kula wareegeen. Goolkan ayaa ahaa goolkii 5 aad ee uu Griezmann uu ka dhaliyay Euro 2016.
Iyada oo qaybta hore ee ciyaartu ay tahay dhamaad ayuu kabtanka xulka qaranka Germany ee Bastian Schweinsteiger uu sabab u noqday in xulka qarankiisa rekoodhe lagu dhigo kadib markii uu gacan ku taabtay kubbad madax ahayd oo uu Evera doonayay in uu gool ku dhaliyo, garsooraha ree Italy ee Nicola Rizzoli ayaa kaadhka digniinta ah u taagay Bastian Schweinsteiger halka uu sidoo kale siiyay Ozil oo ka cadhooday gool ku laadka xulka qarankiisa lagu dhigay.
Go’aanka garsoore Nicola Rizzoli ayaa ahaa go’aan sax ah iyada oo kabtanka Germany ee Bastian Schweinsteiger uu qalad ku lahaa in uu maamuli kari waayay inuu gacmihiisa laabto isaga oo ku jiray xerada ganaaxa xulka qarankiisa, waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay France hogaanka ciyaarta ku haysay balse Germany ay hayad xulka fursadaha ugu badan abuuray.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta markale France ayaa si fiican ciyaarta ku bilaabatay waxaana fursad cajiib ah helay Oliveir Giroud kaas oo markale lumiyay fursad gool lagu dhalin karayay, waxaana lays waydiinayay in France ay ka shalayn doonto fursadaha uu lumiyay Oliveir Giroud.
Laakiin Germany ayaa markale ahaa xulka qaranka boosishanka ugu badan iyo kubbad haynta intaba ku horeeyay waxaana iyaga dhibaato wayn ku ahaa in ay ka faa’iideeyaan fursad abuurista ay samaynayeen xidigaha khadka dhexe. Xaalada Germany ayaa sii xumaatay kadib markii daqiiqadii 59 aad ciyaarta dhaawac looga saaray difaaca Jerome Boateng waxaana lagu soo badalay Shkodran Mustafi.
GERMANY 0 – 2 FRANCE
Markale xulka qaranka France ayaa helay goolkooda labaad waxaana markale indhaha aduunka xaday Antoine Griezmann kaas oo markan ka faa’iidaystay kubbad uu qalad wayn ku lahaa goolhaye Manuel Nueur isla markaana ay difaaca Germany iska saari kari waayeen wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay France hogaanka ku dheeraysatay.
Marka hore Paul Pogba ayaa qaab indho sarcaad ah ku kala jeediyay Kimmich kaas oo awoodi wayay inuu Pogba ka joojiyo in uu kubbada u soo karooso xerada ganaaxa, waxaa marka hore kubbada uu Pogba soo karoosay isku dayay in uu iska saaro Manuel Nueur laakiin waxay si naxariis leh ugu tagtay Antoine Griezmann kaas oo sidaa ku dhaliyay goolkiisii lixaad,wuxuuna aad ugu sii dhawaanayaa hanashada kabta dahabka ah ee Euro2016.
Kimmich ayaa ku dhawaaday in uu dib u saxo qaladkii uu sameeyay daqiiqadii 75-aad wuxuuna darbo cajiib ah uu ku tuuray goolka France laakiin nasiib xumadiisa darbadan ayaa BIRTA goolka ku dhacday, halka wax yar kadib uu Draxler uu isna Germany goolka furitaanka u keeni gaahay.
Wax kasta oo uu sameeyay xulka qaranka Germany waxa uu awoodi waayay in uu dhaafo difaaca birta ahaa ee xulka qaranka France iyo waliba goolhaye Hugo Lloris waxayna ugu danbayn ciyaartu ay ku dhamaatay 2:0 ay uu France ku garaacay Germany isla markaana uu kaga aarsaday guuldaradii koobkii aduunka ee 2014 kii.