Gaadiidkaan oo u badan kuwa yar yar ee nooca Raaxada ayaa waxaa uu wadaa dad farabadan oo doonaya in xilligaan kuleyl ah ka xagaay baxaan Magaalada Boosaaso.
Gaadiidkaan ayaa waxaa ay ku xanniban yihiin nawaaxiga Koontoroolka Koonfureed ee Magaalada Boosaaso,kadib markii ay go’day Buundo halkaasi ku taallay Roobkii ka da’ay Boosaaso aawgiis.
Qaar kamid ah dadka u socday xalay baxa ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in daadad xoogan oo ka dhashay Roobkii da’ay ay kusoo rogmadeen deegaanka,isla markaana ay sababtay inay Go’do buundada.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Buundada Go’day labadeeda dhinac ay Gaadiidka ku kala xayiran yihiin,taasina ay sababtay in dad badan ay xayirnaadaan,isla markaana ay walaac muujiyaan.
Marka la gaaro xilliyada Roobka ayaa waxaa uu burbur xoogan gaara wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala Magaalada Boosaaso,waxaana taasi ay hakad gelisaa isku socodka dadka iyo Gaadiidka Boosaaso iyo Magaaloouinka kale ee Puntland.



