DFS oo faah faahisey sababaha keenay kororka COVID19

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa faahfaahin ka bixiyay kororka kiisaska cudurka karoona fayris, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee wasaaradda iyo khubarada caafimaadka

Wasiir kuxigeenka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu dalka kusoo kordhiyey Cudurka taasina ay ugu wacan tahay feejignaan la’aanta dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee wasaaradda iyo khubarada caafimaadka si looga digtoonaado faafida Cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisey 49 qof oo Cusub laga helay xanuunka COVID19 6 ruux ay geeriyoodeen halka laba qof ay ka Caafimaadeen sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya.