Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta Xukuummadda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aanno ku socda dhammaan masaajidda ku yaalla dalka, lana xiriirta Cudurka Coronavirus.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu shaaciyey in,iyada oo la tixraacayo kulankii Culimadda iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda ay soo saareen 24 Qodob oo ku socda Imaamyada Masaajidda iyo dadka u tagaya inay ku cibaadeystaan.
Qodobada War-Saxaafadeedka ayaa waxaa ugu muhiimsan in la badiyo Khur’aan Akhriska lagana khunuudo masaajidda Shanta Salaasood.
In ay xaaraan tahay dadka qaba ama isaga shakiyo Cudurka inay tagaan Masaajidda,sidoo kale dadka qaba Cudurada Sokorta iyo Dhiiga inay Guryahooda ku dukadaan.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa ku amartay dadka Masaajidda ku dukanaya inay kala fogaadaan,sidoo kale la xiro qeybta weeysada masaajidda qof walbana uu gurigiisa kasoo weeyso qaato.
In masaajidda loogu Deeqo Qalabka lagu baaro heerkulka qandhada qofka inta uu gaarsiisan yahay ,in salaadaha waajibka ah waqtiga dukanayo la soo gaabiyo iyo qodobo kale.






