Kenya oo gubtay Shixnad Kalluun Qalalan oo laga qaaday Somalia

Ciidamada Booliska Dowladda Kenya ee ka howlgalla Magaalada lamu ayaa waxaa ay fagaaro ku gubeen Shixnad Kalluun qalalan ahaa oo laga qaadey meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Kalluunka ayaa Ciidamada Booliska Kenya waxaa la sheegay inay ka qabteen Deegaanka Mokowe ee Galbeedka Laamu,kaas oo  ku jiray  ilaa 761 Boorsooyin,isla markaana uu dhamaa 12 Tan.

Saraakiisha Booliska Kenya ee qabtay Kalluunka ayaa waxaa ay sheegeen in laga kala keenay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo,isla markaana dooni lagu keenay Magaalada Mombasa ee dalkaasi Kenya,kadibna Boorsooyin lagu soo subay si loogu gudbiyo Magaalada lamu.

Goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Hindi ee duleedka lamu ayaa Kalluunka lagu gubey,waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Boliska Gobalka Laamu iyo Saraakiil ka kala socotay Hay’adda Dekedaha, Kalluumeysiga Kenya.

Booliska ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay qabteen 7 Ruux oo ahaa dadkii lahaa,isla markaana dhawaan ay Maxkamad horgeyn doonaan.

Tallaabadaan Booliska Kenya ay ku gubeen Kalluunka qalalan ee laga qaaday Soomaaliya ayaa dad badan waxaa ay ku micneeyeen inay Kenya uga jawaabey Go’aankii Dowladda Somalia ku joojisey qaadka,iyada jaad laga keenay Kenya lagu gubay meelo kamid ah dalka Soomaaliya.