Furitaanka kal-dhiga 2aad ee Baarlamaanka labada Aqal oo laga shiray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS oo ku beegan 15-ka bishan oo maalinta berri ah ku aaddan iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maalinta Berito oo talaado ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu furo kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal. Isaga oo furitaanka kulanka khudbad ka jeedin doona.