Guddoomiye Basmo” Muqdisho ayay u soo kala carareen AS, iyaga oo Indha-shareer & Cimaamad wata”

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaah Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maalmihii la soo dhaafay Maamulka gobolka Banaadir uu waday wacyigelin & kulamo lagu taageerayo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddomiye Basmo oo hadal ka jeedisay kulan ka dhacay magaalada muqdisho ayaa sheegtay in dalka uu kujiro xilligaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadka Muqdisho looga baahan yahay inay garab istaagaan dadka la dagaalamaya Al-Shabaab ee ku sugan gobolada dalka.

Waxaa ay sidoo kale hadalkeeda intaasi kudartay Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab ee looga awood roonaadaay degaannada iyo degmooyinka gobolada dalka ay Muqdisho soo galeen, iyaga oo wata Indha-shareer & cimaamad, isla markaana Bulshada laga doonayay in aysan u ogolaan inay Bulshada ku dhex-dhuuntaan.

Halkan ka Daawada Muuqaalka