Dowladda Jabuuti oo ka digtay duufaan kusoo wajahan Geeska Afrika

Dowladda Djibouti ayaa  ka digtey waxyeelada ka soo gaari karta dadka iyo degaanka duufaano la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin degaano ka mid ah Soomaaliya.

Wakaaladda saadaasha hawada ee dalka Djibouti ayaa tilmaamtey in duufaanku aanu saameyn doonin Djibouti hase yeeshe daruurraha kasoo go’ay duufaanta ay ku keeni karaan Djibouti roobbab wata biyo fara badan iyo daadad.

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Saadaasha Hawada ee Djibouti Maxamed Ismaaciil Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku wajahan Dufaanta loona baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay sameyso dadaal ku aadan sidii dadka xeebaha degan loo badbaadin lahaa.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in meelo ka mid ah dalka Jabuuti ay soo gaari doonaan Roobab xooggan oo ka dhashay Dufaanta kusoo wajahan Soomaaliya gaar ahaan degaanada Somaliland iyo Puntland.