Deeq horudhac ah oo la gaarsiiyay degmada Bardaale

Guddiga gurmadka Fatahadyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta gelinkii dembe lagu wareejiyay deeq ka timid wasaradda gar gaarka maareynta iyo masiibooyinka Dowladda Fedaralka Soomaaliya.

Deeqdaan ayaa isugu jirtay marakaneeco,teendhooyin,iyo Malmalaato.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in deeqdaan loogu tala galey in la gaarsiiyo shacabka degmada Bardaale oo daadad kusoo rogmadeen.

Cabdinaasir Cabdi caruush Guddomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahadyada KGS ahna wasiirka gar gaarka maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka KGS ayaa sheegay in maanta degmada Bardaale ay geeyen deeq hordhac ah oo isgu jira daawoyin iyo raashin.