Wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saakay halkaasi ay ka taagan xiisad u dhaxeysa laba beelood oo wada dega deegaanka Biyo Baxdo.
Deegaanka Biyo baxdo ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada hoos yimaada degmada Ceel Buur ee gobalka Galgaduud.
Shalay Maleeshiyo hubeysan ayaa ku dagaalantay deegaanka Biyo Baxdo, waxaana dagaalkaas ku dhintay 4 qof halka tiro intaas ka badan uu dhaawac soo gaaray.
Saakay ayaa la sheegaya in maleeshiyaadkii shalay dagaalamay ay isku hub aruursanayaan, islamarkaana ay suurtagal tahay in dagaal uu dib uga qarxo deegaanka biyo baxdo.
Qaar ka mid ah waxgaradka oo aan lahadalnay ayaa noo sheegay in ay ku howlan yihiin xalinta dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Biyo Baxdo ee gobolka Galgaduud.
.


