Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka Mudug ay magaalada Gaalkacyo ay ka mamnuuceen gawaarida miraayadaha madow si loo xaqiijiyo amniga guud gobolka Mudug.
Gaashaanle sare C/waaxid Cabdulle Warsame ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka magaalada Gaalakcyo.
shacabka ayuu ugu baaqay inay gawaaridooda ka faqiiqaan bacda madow, waxaana uu sheegay in ay ganaaxayaan gaarigii ay ku qabtaan Bacda madow.
Cabdulwaaxid Cabdulle Warsame ayaa sheegay in amniga magaalada Gaalkacyo looga baahanyahay in ay ka wadashaqeeyaan ciidanka ammaanka iyo sidoo kale shacabka kunool magaalada Gaalkacyo.


