DHAGEYSO: Xaaf “Ahlusuna murankeeda waa mid siyaasadeed”

Cadaado-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu ka hadlay wada hadlaka Galmudug ay la yeelaneyso maamulada Puntland iyo Ahlusuna.

Waxa uu sheegay arrimaha Dib u heshiisiinta iyo Nabadgelyada in ay hada ugu culus tahay, balse wuxuu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan arrimahaasi.

Madaxweyne Xaaf wuxuu kaloo sheegay in ay wada hadal ka bilaabayaan Gaalkacyo, Caabud-waaq, Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelanayaan masuuliyiinta Puntland iyo Ahlusuna.

Arrimaha Amniga ayuu sidoo kale soo hadal qaaday Madaxweyne Xaaf, wuxuu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen Nabadgelyada.

Xaaf ayaa sheegay muranka Ahlusuna in uu yahay mid siyaadeed, balse ka Galmudug ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay u dhameyn lahaayeen murankaasi.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la doortay Saddexdii Bishan May ayaa loo caleema saaray xilkaas 26 beri kadib Doorashadiisa, waxaana caleema saarkiisa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira.