DHAGEYSO: Howlgallo wado furis ah oo ka socda Baay

Baay-RisaalaFM- Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay Howlgallo wado furis ah ka wadaan Degaano ka tirsan Gobolka Baay, kuwaasi oo ay u xiran yihiin Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka Degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay C/laahi Maxamed Cumar oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Amniga in uu yahay mid soo hagaagaya, Howlgallo wado furis ahna ay socdaan.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed.