DHAGEYSO WAREYSI: Taliska Booliska Beledweyne oo ka hadlay Ciidamadii gadooday

Taliska Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyeen ammaanka Magaalada iyo waliba Ciidamadii gadoodsanaa ee shalay la wareegay qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Mahad-Alle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Ciidamadii shalay gadoodsanaa in aysan ka tirsaneyn kuwa Dowladda Federaalka, balse ay ahaayeen Ciidamo Degaanka ah oo dhowaanahan aan qaadan Mushaar.

Waxa uu sheegay warbaahinta qaar in ay si qaldan u turjumeen la wareegida Ciidamadii gadoodsanaa ee shalay la wareegay qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.