Sool-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degaanka Kala-beydh ee Gobolka Sool ee Maamulka Soomaaliland in halkaasi uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay Dadka Degaanka Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland, waxaana uu yimid kadib markii Ciidamada Soomaaliland ay isku dayeen in ay kaxeystaan nin Ganacsade ahaa, balse Dadka Degaanka ay arrintaas isku hor istaag ku sameeyeen.
Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka, waxaana dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan loo qaaday Isbitaalada Magaalada.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sheegay khasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray in uu yahay Labo nin oo dhimasho ah iyo Hal dhaawac ah, halka Ciidamada Soomaaliland ay ka dhinteen Labo nin iyo Afar dhaawac ah.


