DHAGEYSO: Warbixin Shabaab oo kordhiyay weerarada ay la beegsadaan ciidanka dowladda

Muqdisho-RisaalaFM- Dad badani waxa ay su’aal iska weydiinayaan sida Al-shabaab ay ugu suura gasho fulinta weerarada qorsheysan oo ay ku qaadaan xarumaha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolada dalka.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay fuliyaan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo isa soo abaabulay ay weerar ku qaadeen xarun ay ciidanka Militariga ku lahaayeen deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan oo ismiidaamin ku bilowday ayaa Shabaab waxaa u suura gashay in ay cagta saaraan xerada, kadibna halkaasi ay kala soo baxaan Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku soo aadayaa xilli shalay War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Goobaanle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadaba maxaa isku soo beegay Hadalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Goobaanle ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo weerarkii xalay Aqoonyahan Shariif Roobow oo aqoon badan uleh dhanka amniga ayaan weydiinay waxa markasta u fududeynaya Shabaabka weerarada sidii ay ugu talageena udhaca.

Dul duleelo badan oo jira awgeed ayuu Shariif Roobow sheegay in ay suurta galineyso weerada Shabaab, isagoo sheegay iyadoo aanan xal buuxa laga gaarin dul duleeladaas in aan laga hortagi karin weerarada.

General Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa sheegaya in Soomaaliya 2 sano gudaheeda ay dhisan karto ciidan tayo leh oo looga maarmi karo ciidanka AMISOM hadii laba arimood xal loo helo.