DHAGEYSO: Faah faahin weerarkii ka dhacay Laanta-buuro

Sh/Hoose-RisaalaFM- Al-shabaab ayaa weerar khasaare badan dhaliyay waxa ay ku qaadeen xerada Militariga ee ku taala deegaanka Laanta-buura ee gobolka Shabeelaha Hoose, weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe.

Qaraxyo ayuu ku bilowday weerarka kadibna waxaa xigay Rasaas fara badan oo Dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku galeen xerada.

War qoraal ah oo Al-shabaab ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in 3 Gaari ay halkaasi ku gubeen, sidoo kalena 7 Gaari ay halkaasi ka kaxeysteen.

Ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in khasaare ay gaarsiiyeen ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in uu jiro weerarka, balase ay wadaan howlgallo ku aadan sida uu weerarka u dhacay.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhankooda qiray in dagaalka Askar looga dilay ciidanka dowladda sidoo kalena Gawaari laga kaxeystay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xaalada deegaanka Laanta-buura ayaa hada ah mid kacsan sidoo kalena dadka deegaanka ay ka cabsanayaan in ay ka waramaan dagaalka.