Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta Idaacada Risaala ee Degmada Xamar Jajab, maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Afar Tartan oo tan iyo Bilowgii Bishan Ramadaan ka socday Idacada Risaala.
Tarmadan ayaa kala ah, Tartanka Qur’an Akhriska Caruurta oo ay ku baratamayeen Hal Jus, waxaa maalgelinayay Xarunta Isku Daweynta Dhirta iyo Qur’anka Kariimka ee Ibnu Qayim Al-Jowsi.
Sidoo kale Tartanka Shareecada oo isna ka socday Idaacada ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana maal gelinta ku bixinaayay Xarunta Isku Daweynta Dhirta iyo Qur’anka Kariimka ee Ibnu Qayim Al-Jowsi.
Tartanka Qur’aan Akhriska Halka jus ayaa kaalinta Koowaad Ardaygii galay, waxaa lagu abaalmariyay Boqol Doolar, halka kaalinta labaad iyo Saddexaad la kala siiyay lacag dhan 70 doolar iyo Kontan Doolar.
Xarunta Isku Daweynta Dhirta iyo Qur’aan saarka ee Ibnu Qayim ayaa sidoo kale abalmarisay Tartamayaashii kaalmaha ka galay Tartanka Shareecada, waxaana kaalinta koowaad 100, kaalinta labaad 70 halka Kaalinta Saddexaad la siiyay 50.
Bankiga Salam Somali Bank ayaa sidoo kale abaalmariyay Tartamayaashii kaalmaha ka galay Tartanka Qur’aan Akhriska Caruurta 15-ka Jus, iyadoo kaalinta koowaad lagu abaalmariyay lacag dhan 400 oo doolar, Kaalinta labaad ayaa la siiyay 300 oo doolar, halka kaalinta Saddexaad la siiyay Labo boqol oo doolar, iyadoo ugu dambeyn kalinta Afaraad la siiyay 100 Doolar.
Tartamada maanta lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Idacada Risaala, waxaa sidoo kale ka mid ahaa tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha oo ay maalgelinaysay Waaberi Jumbo Company.
Kaalinta Koowaad ayaa la siiyay lacag dhan 500 oo doolar, halka kaalinta labaad la siiyay lacag dhan 400 oo doolar, kaalinta ugu dambeysa ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan 300 oo doolar.
Tartankii ugu dambeeyay ee Idaacada Risaala, sidoo kalena lagu abaalmariyay Tartamayaasha ayaa ahaa Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Sh.hoose, waxaana kaalinta Koowaad qaadatay Degmada C/casiis oo lagu abaalmariyay lacag dhan 1500 oo doolar oo ay bixisay Shirkada Cabitaanada Coca Cola, halka kalinta labaad lagu abaalmariyay 1000 Doolar oo ay qaadatay Degmada Dharkiinley.
Agaasimaha Idaacada Risaala Ustaad Maxamed C/wahab C/laahi ayaa uga mahadceliyay Shirkadihii ka qayb qaatay tartamadan sida wanaagsan ee ay u abaalmariyeen tartamayaasha.


