Daawo Tartanka Degmooyinka Risaala oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala lagu soo gaba gabeeyay Tartanka Aqooneedka Degmooyinka Risaala oo soo bilowday Bishan Ramadaan Kowdeeda.

Tartanka ayaa intii uu soocday waxaa ka qeyb galayay 16 Degmo oo 2 ka mid ah ay ka socdeen gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdeen gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotey Labada Degmo, Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala, xubno ka socdey Shirkadda Cabitaanada COCA COLA.

Tartankii ugu dambeeyay ee Idaacada Risaala, sidoo kalena lagu abaalmariyay Tartamayaasha ayaa ahaa Tartanka Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana kaalinta Koowaad qaadatay Degmada C/casiis oo lagu abaalmariyay lacag dhan 1,500 oo doolar oo ay bixisay Shirkada Cabitaanada Coca Cola, halka kalinta labaad lagu abaalmariyay 1,000 Doolar oo ay qaadatay Degmada Dharkiinley.

Maamulka Idaacada Risaala ayaa shahaado sharaf ku abaalmariyay Qaar ka mid ah Tartmayaasha Degmooyinka iyo Guddigii tartanka Aqooneedka Risaala.

Agaasimaha Idaacada Risaala Ustaad Maxamed C/wahab C/laahi ayaa uga mahadceliyay Shirkadihii ka qayb qaatay tartamadan sida wanaagsan ee ay u abaalmariyeen tartamayaasha.

m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7 m8 m9 m10 m11 m12 m13 m14 m16 m17 m11