Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa isku khilaafay hannaanka iyo waqtiga la qabanayo doorashada hoggaanka Ururka Qareennada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa soo saaray xeer wasiir oo lagu nidaaminayo laguna muddeynayo doorashada ku-meel-gaarka ah ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed.
Xeerka uu wasiirku soo saaray ayaa sidoo kale lagu shaaciyey Hagaha Guud ee Doorashada Ururka, iyadoo lagu qeexay habraacyada doorashada, xilalka ururka ee loo tartamayo, muddada xil-haynta iyo ilaalinta qoondada haweenka qareennada ah.
Sida ku cad xeerka wasaaradda, doorashada ku-meel-gaarka ah ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed waa in lagu qabtaa muddo laba bilood gudahood ah, laga bilaabo 24-ka Nofeembar 2026.
Hase yeeshee, tallaabadan ayaa waxaa si cad uga horyimid Guddiga Doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo Midowga Qareennada Dowlad-goboleedyada, kuwaas oo diiday go’aanka Wasaaradda Caddaaladda ee lagu hakiyey doorashada ururka.
Labada dhinac ayaa qoraallo kala duwan oo ay soo saareen ku sheegay in tallaabada wasaaraddu tahay mid sharci-darro ah oo aan lahayn saldhig sharci, iyagoo ku adkeystay in doorashada ururku ay tahay arrin u gaar ah hay’adda.
Guddiga Doorashada iyo Midowga Qareennada Dowlad-goboleedyada ayaa sidoo kale xaqiijiyey in doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed ay qabsoomeyso maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Nofeembar 2026, iyagoo sheegay inaysan jirin sabab sharci ah oo dib loogu dhigayo.
Waxay ku doodeen in Ururka Qareennada Soomaaliyeed uu yahay hay’ad aan dowladeed ahayn, sidaas darteedna maamulka ururka iyo doorashooyinkiisa ay yihiin arrimo u gaar ah, kana madax-bannaan faragelin dowladeed.
Khilaafkan ayaa hadda abuuraya is-mariwaa u dhexeeya Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha matala qareennada, iyadoo labada dhinac ay isku aragti ka duwan yihiin cidda awoodda u leh nidaaminta iyo go’aaminta waqtiga doorashada ururka.
Isha khilaafka ayaa ah awoodda sharci ee dowladda ku leedahay nidaaminta doorashada urur xirfadeed oo aan dowladeed ahayn iyo madax-bannaanida maamulka Ururka Qareennada Soomaaliyeed.




