DHAGEYSO: Tarsan oo dhaliilay Guddiga Doorashooyinka 2016-ka

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada horey waxa ay isugu raaceen sidoo kalena ay sheegeen in Doorashada waqtigeeda ay dhaceyso.

Sida ay wararku sheegayaan xubno ka kooban 22 xubnood ayaa waxaa loo gudbiyay Beesha Caalamka, kuwaas oo dowladda federaalka ay sheegtay in ay yihiin Guddiga Doorashooyinka.

22-ka xubnood ayaa 10 xubnood waxa ay matalayaan Maamul Goboleedyada taas oo Labo xubnood ay ka timid Maamul Goboleedyada halka xubno kale la tilmaamay in ay yihiin Aqoonyahano.

Waxaa wararka kale ay sheegayaan in 5 kamid ah Golaha Wasiirada ee xilligan xilka haya ay ku jiraan xubnahaasi.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo horey u soo noqday Gudoomiyiha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho haatana ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhaliilay sida loo soo xulay Gudiga.

Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Guddiga uu soo xulay looga baahan yahay in wax ka badal uu ku sameeyo.