DHAGEYSO+SAWIRRO:- SOMA oo maanta Tababar ku saabsan wax soo saarka Raadiyaha ka furtay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 16-06-17 magaalada Muqidsho gaar ahaan Hotel Ramada ka furmay Tababar ku saabsan wax soo saarka Raadiyaha, kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Tababarkan oo socon doona mudo Saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wariyeyaal ka kala yimid 20 Idaacadood oo ku kala yaalla Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Gaalkacyo, Guriceel, Cadaado, Beledweyn, Baydhabo, Jowhar iyo Afgooye.

Tababarkan ku saabsan wax soo saarka Raadiyaha waxaa furay Guddoomiye ku xigeenka SOMA Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ahna Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala oo faah faahiyay ujeedka Tababarkan SOMA ay u qabaneyso, wuxuuna tilmaamay qabashada Barnaamijkan in waqti badan uu soo jiitamayay balse maanta ay Alle uga mahadcelinayaan in Tababarkan uu furmo.

Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay Tababarkan in ay bixin doonaan macalimiin quburo ah oo ku wanaagsan bixinta Tababarada, isaga oo sidoo kale Wariyeyaasha ka qeyb galaya siminaarkan ku dhiirageliyay in ay ka faa’ideystaan.

Dhanka kale waxaa Tababarkan furitaankiisa ka hadlay Mustafa Yaasiin Sheekh oo ka tirsan SOMA iyo Hay’adda jilayaasha aan dowliga aheyn ee SOCENSA, wuxuuna sheegay SOMA in ay horey u sii socoto oo mar walba ay isku keento Wariyeyaasha, kuna kala qaataan xirfad, Aqoon iyo isbarasho.

Wuxuu sidoo kale Mustafa Yaasiin Wariyeyaasha ka qeyb galaya Tababarkan ku dhiirageliyay in ay ka faa’ideystaan Casharada iyo Tababarka, si wixii ay barteen ugula laabtaan xarumihii ay ka imaadeen.

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) ayaa mar walba waxa ay Wariyeyaasha Soomaaliyeed u qabataa Tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda iyo aqoontooda, kuwaasi oo ka howlgala xarumaha Warbaahineed ee ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.