Muqdisho-RisaalaFM- Maalintii Afaraad waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Shirka maanta maalmihii hore wuu ka duwanaa, waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tiirarka nabadda iyo sida Nabad lagu heli karo.
Dhamaan ka qeyb galayaasha waxaa loo qeybiyay 7 kooxood oo ay kaga doodeen qaabka Nabadda lagu heli karo iyo xalka lagu daaween karo dhibaatooyinka heysta Bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale dad quburo ah ayaa Shirka goobjoog ka ahaa oo sanadooyin badan ka soo shaqeynaayay dib u heshiisiinta iyo Nabadda.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo masuuliyiinta kale ee Wasaarada.
Maalinta berrito ah ayaa waxaa lagu wadaa in shirka la soo gaba gabeeyo, waxaana soo xerayo sida wasiirka Arrimaha Gudaha uu Warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo).
PHOTOS: Ahmed Abdi Ali

























