DHAGEYSO: Qaxootiga Dhagaxley oo hakad laga geliyay cunadii la siin jirey

Kenya-RisaalaFM- Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhagaxley ee Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay ka cabanayaan xilligan in cunadii ay siin jirtey Hey’ada cunada aduunka ee UNHCR ay hakad gelisay.

Dad aad ufara badan oo ku nool xeryaha Dhagaxley ayaa maalmihii ciida waxa ay wadeen dibad bax fara badan oo ay kaga cabanayaan hakadka laga geliyay cunadii ay siin jirtey Hey’ada cunada aduunka ee UNHCR, iyagoo sheegay in arintaasi ay timid kadib markii Madaxda dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay isku afgarteen intii ogol in dib loogu celiyo gudaha dalka Soomaaliya.

Odayaasha ku nool xeryaha Dhagaxley ee Waqooyi Bari dalka Kenya oo kulan yeeshay ayaa kulankooda waxa ay sheegeen in  muhiim ay tahay xal uhelida sidii UNHCR ay usii wadi laheyd taageerada ay siin jirtey Hey’ada Qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan ku heshiiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Kenya in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, iyadoo dowladda Kenya ay horey usheegtay weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya in laga soo abaabulo xeryaha Qaxootiga.