DHAGEYSO: Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Sh/Hoose

Sh-Hoose-RisaalaFM- Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Qoryooleey ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladan ay ka dambeeyeen kadib markii xalay Bambo gacmeed lagu tuuray goob ay fariisimo ku lahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Maamulka degmada iyo saraakiisha amaanka ayaa sheegay in howlgaladan ay ku soo qabteen ku dhawaad 5 ruux oo la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen Bambo gacmeedka lagu tuuray ciidabka dowladda, waxaana ku socdo baaritaan lagu sameynayo dadkaasi.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin dhameystiran ka bixiyaan baaritaanada iyo dadka lagu soo qab qabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in la arkayay ciidamo badan oo xiray wadooyinka qaar ee soo gala degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.