Jarmalka-RisaalaFM- Maxkamad ku taala Dalka Jarmalka ayaa Xukun ku riday Muwaadinin Soomaaliyeed, kaas oo lagu eedeeyay in uu ka soo mid noqday ururka Al-shasbaab.
Abshir Axmed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada Jarmalka ayaa maanta lagu riday xabsi dhan 3 sano kadib markii la sheegay in uu tababar la soo qaatay Al-shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Jarmalka ayaa lagu sheegay, in ninkaasi la aaminsanyahay in uu ku biiray Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya sanadkii 2012-kii, islamarkaana tababar dhinaca hubka ah qaatay.
Abshir Axmed oo ah muwaadin Soomaaliyeed ee xukunka lagu riday ayaa todobaadkan gudihiisa laga qabtay magaalada Frunkfurt ee dalka Jarmalka.
Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa sheegay in dowadda Jarmalka sidoo kale ay gacanta ku heyso ilaa iyo 4 dhalinyaro ah kuwaas oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabab dhowaana Maxkamad la soo taagi doono.


