DHAGEYSO: Puntland “Shabaabkii aan qabanay Maxkamad ayaan soo taageynaa”

Boosaaso-RisalaaFM- Iyadoo xabsiyada deegaanada maamulka Puntland ay ku jiraan tiro rag ah oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab qaarkoodna lagu soo qab qabtay dagaaladii Puntland ay la gashay Al-shabaab ayaa waxa ay mas’uuliyiin ka tirsan dhanka maxkamadda ciidanka ay sheegeen in dhowaan Maxkamadda la soo taagi doono xubno ka tirsan Al-shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda C/kariin Xasan Firdhiye ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan 97 ruux oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab kuwaas oo Bishan gudaheeda Maxkamadda la soo taagi doono si dambiga loogu qaado.

Dhalinyaradan maamulka Puntland ay sheegeen in Maxkamad la soo taagi doono ayaa waxa ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab waxaana lagu qabtay dagaal ay ciidamada maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab ay ku galeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.