Deg Deg: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, iyadoo dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday waqti kooban oo cabsi iyo barakac uu ku abuuray.

Ilaa iyo hada lama khasaare rasmiga ah ee dagaalkan.

Maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaanan wali ka hadlin dagaalka maanta dhacay.