DHAGEYSO: Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo baaq u diray dowladda

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha  Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Shabeelaha Dhexe uu sameyn weyn ku yeeshay webiga Shabeele  oo ku fatahay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cali Guudlaawe Xuseen oo ah gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in uu webigu fatahaad u geystay beero badan iyo sidoo kale webiga oo ku fatahay tuulooyin badan oo hoos yimaada degmadaas.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka in ay caawiyaan dadka ku dhibaateysan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ay wax ka qaban doonto dhibaatada webiga Shabeelaha .