DHAGEYSO: Laamaha amniga dowladda oo ka shiray amniga doorashooyinka

Laamaha Amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay Sugidda Amniga magaalada  Muqdisho ee caasimada Soomaaliya inta lagu gudajiro doorashooyinka sanadkaan la filaayo in ay ka dhacaan gudaha Soomaaliya.

Lamaaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in amniga caasimada la adkeyn doono marka la gaaro bisha Ramadaan.

Afhayeenka wasaarada amniga ee dowladda Soomaaliya Cabdikaamil macalin Shukri ayaa warbaahinta u sheegay in amniga Muqdisho la adkeyn doono inta lagu gudajiro doorashooyinka sanadkaan lagu wado in ay ka dhacaan dalka Soomaaliya.