Wadahadalo nabadeed oo maanta ka bilaabanaya magaalada Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay lagu wado in wadahadalo nabadeed ay ka bilowdaan magaalada Baledweyne.

Waxgaradka labadii dhinac ee ku dagaalamay magaalada Baledweyne ayaa maanta lagu wadaa in ay ku shiraan magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan wada hadalada magaalada Baledweyne.

Ciidanka AMISOM ee ku sugan Baledweyne ayaa weli ku baaqaya in la joojiyo colaada Baledweyne,waxayna labada dhinac ugu baaqeen in uusan marka dagaal ka dhicin Baledweyne.