Al-Shabaab oo leexsaday gaari qaad u waday Garbahaarey

Garbahaarey-RisaalaFM- Ururka Al-Shabaab ayaa gaari qaad waday waxa ay  ka leexsadeen magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu kasoo baxay magaalada Baled-xaawo ee gobolka Gedo isagoo kusii jeeday magaalada Garbahaareey.

Ururka Al-shabaab  ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaarigaasi, oo ay la socotay saddex nin, waxaana ku dhintay Aadan Maxamed Sheekh Axmed oo ahaa darawalkii gaariga, iyadoona uu ku dhaawacmay kirishboygii gaarigaasi oo lagu magacaabo Aadan Shariif, halka uu cararay ninkii saddexaad ee la socday, xilli uu rasaastaasi ka badbaaday.

Maamulka gobolka  Gedo ayaa sheegay in ururka  Al-Shabaab ay ka xeysteen gaariga qaadka siday.