DHAGEYSO: Taliska booliska oo askarta uga digay in aysan dhibaateyn shacab

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in xiligaan ciidanka ay isku diyaarinayaan in ay shabaab la galaan dagaal culus.

Taliyaha ciidanka booliiska  Soomaaliyeed sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in askarta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed looga baahanyahay in aysan dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in dalka uu gaarayo hormaro kala duwan sidaas darteedna loo baahanyahay in ay ka qeyb qaataan ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa mararka qaar in ay dhib u geystaan shacabka Soomaaliyeed.