DHAGEYSO: Faah faahin hoobiyeyaashii ku soo dhacay Buundada 2-add

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan 4 hoobiye ah oo maqribnimadan ay ku dhaceen agagaarka 2-da Buundo oo u dhaxeysa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob jooge lagu magacaabo Ismaaciil Maxamed Siid Cali Caqiila oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa inoo xaqiijiyay in 2 qof ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Waxaana warar kale oo ay heshay Risaala ay sheegayaan in tirada dhaawaca ay gaarayaan 5 qof halka sidoo kalana ay halkaasi ku geeriyoodeen 2 qof.

Baabuurta gar gaarka deg dega ah ayaa goobta ay waxa ka dhaceen soo gaaray si ay ugu gar gargaaraan dadka halkaasi ku dhaawacmay.

Ilaa iyo hada lama oga halka hoobiyeyaasha laga soo tuuray.

Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale hoobiyeyaal la soo tuuray ay ku dhaceen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.