Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo danjiraha Immaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Cusmaani.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, waxaana intaas ka dib loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaasoo kulamo ay kula lee yihiin madxweynaha Jubbaland iyo madaxda maamulka Jubbaland.
Wafdiga ayaa la sheegay inta ay joogaan Kismaayo in ay sidoo kale la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Kismaayo.
wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa ka warbixiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalka safiirka.