John Terry ayaa la filayaa inuu sanado badan ka teggo Chelsea,sidaas darteedna, kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa haddaba suuqa ugu jirto baddelkiisa.
Sida uu baahiyay TV-ga Sky Sport, qeybtiisa Talyaaniga, Antonio Conte ayaa magaalada London kula kulmay wakiillo ka socda daafaca kooxda Roma ee Kostas Mignolas.
24 jirkan kasoo jeeda Greec,ayaa boos joogta ah ka heysta shaxda kowaad ee Giallorossi, waxaana xusid mudan inay saxiixiisa doonayaa kooxo badan oo Yurub ah.
Qiyaastii 35 milyan oo Yuro ayay Blues ku heli kartaa daafacan baddelaya John Terry.


