DHAGEYSO: Dowladda oo amaro dul dhigtay ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiirka wasaarada Ganacsiga ee Dowlada  Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed  ayaa amaro culus kusoo rogay ganacsada dekeda weyn ee Muqdisho .

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga fakaro badeecooyinka laga soo dajinaayo  dekeda magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdirashiid  Maxamed Axmed waxaa uu sheegay in ay jirto shirkad loogu talagay hubinta badeecooyinka laga soo dajiyo muqdisho,taasoo lagu magacaabo BGM.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo badeecooyinka muhiimka u ah dalka isla markaana laga taxadaro kuwa la soo gelinayo dalka.