Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dad barakacayaal ah lagu dilay magaaladaas.
Dadka la dilay ayaa la sheegaya in ay sugnayeen kaamka lagu magacaabo buula-bacley oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kooxii dilka geystay ayaa goobta iska baxsaday sida uu inoo xaqiijey mid ka mid ah dadka deegaanka .
Kooxaha ayaa toogtay 3 ruux oo mid kamid ah ay haweenay tahay.


