Waqooyi-Bari-RisaalaFM- Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay dil, kufsi iyo bililiqo ka geystaa Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen inay u dulqaadan waayeen tacadi ay kala kulmaan ciidamada Kenya.
Dadka Deegaanka ee Tuulladda Sheikh Barrow ee Deegaanka Lafey ayaa shalay sheegay inay goobahooda ganacsiga boobeen Ciiddankii Kenya ee loo xil saaray inay ka hortagaan weerarkii ay Shabaab Jimcihii hore ku qaadeen Deegaanka Lafey.
Guddoomiyaha Tuulladaasi, Aadan Xasan Afeey ayaa u sheegay Warbaahinta inay Ciiddanka toogteen Nin watay Mootadda nooca Kenya looga yaqaano Boda Boda, kaasi oo lagu magacaabi jirey Axmed Rooble.
Wuxuu sheegay ciidamada in ay sidoo kale dhaceen hanti ay leeyihiin dadka shacabka ah, sidoo kalena ay geysteen Kufsi ay kula dhaqaaqeen qaar ka tirsan Bulshada Deegaanka.
“Ugu yaraan Moobeeylo ay lahaayeen 28 qof ayey dhaceen, waxay kaloo boobeen goobo ganacsi iyo Qalabka laga dhaliyo Tamarta Qorraxda ee Solarka.” ayuu yiri Aadan Xasan Afeey.
Saraakiisha ciidamada Difaaca Kenya weli kama aysan hadlin eedeymahan loo jeediyay ciidamada Kenya ee ku aadan in ay tacadi ka geysteen Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Shabaab ayaa weeraro waxa ay ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku beegsadaan ciidamada dalka Kenya.


