Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo howlgallo xalay ka sameeyay magaalada Beledweyne ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen askari xalay dil ka geystay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Ninka la dilay ayaa waxa uu magaalada ka ahaa nin si weyn looga yaqaano, iyadoo askarigii dilka geystayna ay hada gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dadka qaar ayaa sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa mid ka mid ah macalimiinta magaalada iyo ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada.
Dilka ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib markii askariga iyo ninka shacabka ah ay isfahmi waayeen oo ay mur meen.
Xaalada amni ee magaalada Beledweyne ayaa waxa ay maalmihii udambeeyay ay aheyd mid la isku haleyn karo.


