Lix ruux oo ka mid ahaa dadka ku nool deegaanka Hindi oo ka tirsan degmada Laamu ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa lagala baxay guryahooda, iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn cida qafaalatay.
Ehelada Lixdan ruux oo saxaafadda la hadlay ayaa ka codsaday dowladda Kenya in hadii dadkaasi la laayey ay sheegto sababta loo laayay iyo in hadii gacanta lagu haayo ay cadeyso sababta gacanta loogu hayo.
Shacabka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo gobolka xeebta ayaa inta badan waxa ay ka cawdaan tacadiyo ka dhan ah Insaaniyada oo ay kula kacaan boliiska dalka Kenya.
Waxaa sii kordhaya tacadiyada loo geysanayo dadka islaamka ah ee ku nool dalka Kenya, waxaana dadkaasi si gaar ah loogu tuhmaa in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab oo dhowr mar weeraro ka geystay dalka Kenya.


