Qarax ka dhacay Iridda Hore ee Madaxtooyo

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhaawacantay Qarax xooggan oo loo adeegsaday Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ka dhacay Magaalada Kapul ee Caasimadda dalka Afghanistaan.

Ilaha Caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen 10 qof.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Madaxyooyadda dalkaasi.

Sidoo kale goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla Safaarado badan oo ay leeyihiin dalalka Caalamka.

Iridda Hore ee Madaxtooyadda ayaa waxaa ku yaalla waddo ay maraan dadweynaha , waxaana la sheegay xilliga uu Qaraxu ka dhacayay in ay saaid Mashquul u aheyd.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net