Qarax aad u xoogan, ayaa ka dhacay irida hore ee Madaxtooyada dalka Afghanistan, saaka oo Arbaco ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa ka dhaw Safaarado badan, balse waxaa si gaar ah uga dhaw Safaarada Germany ee dalkaasi ku leedahay.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay qaraxaasi inay ku dhinteen inta hadda la ogyahay 49 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay300 ruux oo isugu jira shaqaalaha dowladda iyo dad rayid ah oo maraayay wadada.
Xilliga qaraxa uu dhacaayay, ayaa wadada waxa ay aheyd mid mashquul badan, waxaana dhoobnaa gaadiid badan oo qaarkood wadada hareeraheeda yaalay.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaana socda gurmadka dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxa oo loo daabulaayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.



