Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xaafado Ka mid ah magaalada Baledweyn ayaa waxaa ka bilowday barakac xooga ka dib markii uu si aada ugu fatahay webiga Shabeele ee mara qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Xaafadaha Xaawo Tako Iyo Kooshin oo Baledweyne ka tirsan ayuu ku soo fatahay Wabiga Magaalada, taasina waxa ay keentay inay halkaasi ka barakacaan qoysaskii Deganaa Xaafadahaasi.
Maamulka degmada Baledweyne ayaa sheegay in ay ku howlan yhiin in ay dadka u gar garaan ,islamarkaana ay warbaahinta la hadli doonaan saacadaha soo socda.



