Daawo Sawirada Wafdi ka socday Istanbul oo booqday wadada sodonka

Wafdi  ka socday Dowladda hoose ee Magaalada  Istanbul ayaa tagay wadada sodonka oo dhawaan uu ka bilaaban doono dhismo, waxaana halkaasi ay ku sameeyeen qiimeyn ku aadan dhismaha wadada.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa dhankiisa tilmaamay in aad ugu faraxsan yahay in balan qaadkii dowlada hoose ee Istanbuul uu bilaawdo fulintiisa, raja wanaagsan ay ka qabaan in dhawaan umadda Soomaaliyeen ee ku nool gobolka loo dhiso waddada sodonka .

 

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in dhawaan uu bilaaban doono dhismaha wadadan, si shacabka Somaliyed ay uga faa’iideystaan.

 

Maamulka Banaadir ayaa horay u sheegay in ay dadaal dheer ku bixi doonaan dardargalinta maashariicada ay dowladda Turki ay balanqaaday.

 

Dhismooyin kala duwan ayaa lagu sameeyay qaar ka tirsan wadooyinka ku yaal Magaalada muqdisho.
a rrrrrrrrr b c d