Muqdisho-RisaalaFM- Deeqdii laga soo aruuriyay dhageysatayaasha Idaacadda Risaala wajigii Saddexaad ayaa lagu afuriyay qoysas gaaraya 80 ruux oo danyar ah, kuwaasi oo ah qoysaskii ka soo barakacay abaartii ku dhufatay gobolada dalka Soomaaliya.
Deeq qaybinta oo laga sameeyay xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Muqdisho, ayaa qoys kasta waxaa la siiyay Bur, bariis, Saliid iyo Timir, iyadoo dadkii la siiyay ay aad uga mahadceliyeen.



