DHAGEYSO+SAWIRRO:- Diyaar garowga Ciida iyo Carwo Al-kowther

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalmo kooban ay inaga xigaan maalinta farxadeed Ciidul Fidriga, maadaama ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan, oo inta badan ummada Islaamka ay soo soomeen.

Suuqyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya aya waxaa laga dareemayaa diyaar garow balaaran oo ku aadan munaasabadda Ciidul Fidriga.

Carwo Al-kowther waxa ay ka mid tahay Carwooyinka ugu waa weyn ee magaalada Muqidsho, waxa ay iibisaa Dharka Ragga, Dharka Dumarka, Dharka Caruurta, Jiifafka, Fadhiga, Qalabka Jimicsiga, Qalabka Isboortiga, Qalabka Caruurta ay ku cayaaraan iyo Shopping nuuc walba oo aad u baahato.

Al-kowther waxa ay xarumo kala duwan ku leedahay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, waxaa ka mid ah xarunta Suuqa Bakaaraha, xarunta wadada Maka Al-mukarama iyo kuwo kale.

Maxamed Xasan Ibraahim oo ka mid ah maamulka Carwo Al-kowther oo u waramay Risaala ayaa sheegay Ciidan in ay qiimo dhimis weyn u sameeyeen macaamiisha Carwada, oo ka kala yimaada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Carwo Al-kowther saqiir dhalan maalin sad ku san baa yaalla.

W/D:- A/rashiid Ali Dubbad Gacal

 

PHOTOS:- Ibraahim Hajji Nur

DSC_1249 DSC_1252 DSC_1256 DSC_1259 DSC_1261 DSC_1294 DSC_1296 DSC_1298 DSC_1301 DSC_1303 DSC_1305 DSC_1306 DSC_1307 DSC_1308 DSC_1310 DSC_1312 DSC_1325 DSC_1329 DSC_1330 DSC_1333 DSC_1336 DSC_1342 DSC_1343 DSC_1347 DSC_1348