Wakiilka Mohamed Salah oo ku sugan London

Mohamed Salah ayaa la filayaa inuu noqdo xidig Liverpool ah maalmaha soo aadan iyadoo wakiilka xidigaan lagu arkay magaalada London maanta sida ay warineyso Mirror Football.

Salah waxaa la aaminsan yahay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Anfield, balse wali labada kooxood ayaan isku mari la’ qiimahiisa.

Ramy Abbas oo ah wakiilka xidigaan heerka caalami ayaa sii huriyay wararka xidigaan la xiriirinaya Liverpool madaama uu baraha bulshada soo galiyay sawir isagoo dhex socda wadooyinka caasimadda.

Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu xilli ciyaareedka soo aadan ku hawlgalo Salah iyo Mane – wallow wali qorshahiisa suuqa kala iibsiga uusan si weyn u bilaaban.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii laba taageere oo reer Masar ah ku booqdeen xerada tababarka qaranka isla markaana sawir la galeen iyagoo heysta laba maaliyadood oo Liverpool ah.

Ugu dambeyntii Mirror waxey sheegeysaa in Liverpool ay maalmaha soo aadan dhameystiri doonto saxiixa xidigaan heerka caalami.