Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay xaalada adag ee kooxdiisa ku sugan tahay inuusan waxba ka qaban karin.
Chelsea sabtiga xiliga qadada waxay garoonka Stamford Bridge kusoo dhaweyn doonaa naadiga Watford balse Cesc Fabregas oo kaliya ayaa taam ka ah cayaartooyda macalin Conte khadka dhexe u adeegsado.
Chelsea horey waxaa dhaawac kaga maqnaayeen N’Golo Kante, Danny Drinkwater iyo Victor Moses hadana liiskaas waxaa ku biireen Tiemoue Bakayoko iyo David Luiz oo shaki weyn la galinaayo kulanka Watford inay cayaari karaan.
Conte wuxuu yiri “Waqti xaadirkaan berito ayaan sheegi karaa 11-ka cayaarayahan ee aan adeegsan karo waxaana dhib igu ah kaliya Fabregas inuu taam ka yahay cayaartooyda aan khadka dhexe u adeegsan lahaa”



