Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ku dhawaad lixdan qof ay dhinteen ka dib markii weeraro lagu qaaday labo masjid oo ku yaalo dalka Afghanistan salaadii Jimcaha.
Kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada weerardani lagu qaaday goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Afghanistan.
Weerarka hore ayaa qof isa soo midaamiyay waxaa uu isku dhex qarxiyay masjid ay leeyihiin shiicada oo ku yaalo magaalada kabul, halka weerarka kalena uu ka dhacay masjid kale oo ku yaala gobolka Ghor.
Dadka ay waxyeelada kasoo gaartay weeraraka lagu qaaday masjidka Imam Zaman ee Kabul ayaa la sheegay inay tukanayeen salaada jimcaha, waxaana qofka weeraraka geystay sidoo kale la sheegay in uu rasaas ku furay dadkii cibaadeesanayay kahor intaanu is qarxinin.
Kooxdani ayaa horay u bartilmaameedsan jirtay masaajidada shiicada guud ahaan dalka Afghanistan.



